PANDA National Helpline (Monday to Saturday) 1300 726 306

HomeSomali

PANDA ayaa ku caawin karta. U wac adiga dartaa ama u wac qof aad taqaan.

Waalidka cusub ama kuwa filanaya ilmaha? Ma welwelsan tahay sidaad u dareemayso?

Liiska Hubinta Caafimaadka Maskaxda

Liiska Hubinta Caafimaadka Maskaxda

Liistada hubinta waxay ku weydiinaysaa su'aalo kaa caawin kara inaad si fiican u fahamto sida aad dareemeyso, iyo haddii laga yaabo inaad ka faa'iidaysan karto taageero dheeraad ah oo aad u hesho caafimaadkaaga maskaxda.

Bilow

Ku saabsan PANDA

PANDA waxay ku shaqaysaa Khadka keliya ee Takhasuska Kaalmada dadka uu saamayey walaaca dhalida ka dib, niyad jabka iyo isku buuqa dhalitaanka ka dib iyo kuwa ay haysato loolanada waalid noqoshada.

Waxaanu kaloo iclaaminaa ogaanshaha wixii ku saabsan jirooyinka khatarta ah oo guud si kuwa ay saamaysay ay u gartaan waxa ku dhacaya iyaga oo raadin kara caawimada.

“Markaan dhexda kaga jiray waxaan dareemaa in aanan weligay caafimaadayn. Laakiin waa sameeyey.”

WAXAA LA HELLI KARAA TURJUBAANO

PANDA waxay helli karaan turjubaano caawima kuwa aan ku hadlin afka Ingiriiska ama qaba dhibaato maqalka ama hadalka.

“Qofna iima sheegin inay dhici karto ka hor inta aanan dhalin ilmaha!”

Goorma ayaa la hellaa caawimada

Inaad uur leedahay ama aad noqonayso waalid cusub waxay noqon karaan labaduba wax xiisa iyo loolan leh. In dhibaato kaa qabsato la qabsiga isbedelka waa wax dabiici ah. Si kasta ha ahaatee marka baaxa-dego jiro waxyaalla aad u adag, ayna dhamaato labadii asbuuc oo ugu dambaysay, waa waqtigii aad raadin lahayd caawimada.

Wallaaca dhalida ka hor iyo niyad xumada waa caadi

In ka badan hal qof shantii hooyo oo uur lehba ama hooyooyin cusub iyo hal qof oo aabbayaasha cusub ayaa yeellanaya walaac iyo niyad xumo. Waxay dhici kartaa inta uurka ilmaha lailmuhu leeyahay (dhalida ka hor) ama sanadasanadka ugu horraysahorreeya dhalitaanka ugu horreeya (dhalida ka dib).

“Waxaan ka welwelsanahay xaaskayga laakiin ila hadli mayso anniga.”

Waalida (psychosis) dhalida ka dib

Waalida (psychosis) dhalida ka dib badanaa ma dhacdo waase bogta aad u daran taas oo saamaysa mid ka mid ah labadiilaba hooyo oo cusub 1000kii1000kiiba hooyada waxayna ilmahaiyo ilmahana waxay u keeni kartaa khatar. Mar walba waxay u baahan tahay jiifin isbitaal. Astaamuhu badanaa waxay ku yimaadaan si lama filaana waxaana ka mid noqon kara isbedel dabeecadeed, dabeecada isbedela oo aad u muuqda iyo qofka oo xaqiiqda ka fogaada.

“Waxaan ahay hooyada ugu xun adduunka.”

Sida PANDA u caawimi karto

Haddii aad ilma filayso ama aad tahay waalid cusub oo ka welwelsan wixii ku saabsan samaqabkaaga dhimirka – ama qof aad taqaan – waa muhiim inaad raadiso kaalmo. Horay u raadintaada kaalmo, waxay keenaysaa inaad horay u dareento wax fiican.

Khadka Caawimada Caafimaadka Dhimirka Dhalida ka hor ee Qaranka PANDA waxay bixisaatalasiin lacag la’aana iyo kaalmada dhamaanwaalidiinta iyo kuwa uurka leh.

Kuwayaga aadka tababaran iyo talabixiyayaashayada telefoonka ayaa dhegaysan doona welwelkaaga kana caawimi doona talaabooyinka ugu horreya si aad u soo kabsato.

“Haddii aan u sheego qof uun sidaan dareemayo waxay u malaynayaan in aan ahay waalid xun.”

Waxaa fiican inaad kala hadasho arrinta

Walaaca dhalida ka hor iyo in niyad xumadu tahay xaallad caafimaad oo aad u daran. Waxay saamayn kartaa waalid kasta oo cusub ama waalid uur leh. Maaha wax laga xishoodo. Waa wax fiican in laga hadlo arrintaas. Xaqiiqa ahaan, waxaa fiican inaad sidaas samayso!


U sheegida kuwa kale wixii ku saabsan da’daalkaaga, ama ogolaanshaha inaad u baahan tahay caawimo maaha astaan daciifnimada. Waxay muujinaysaa in aadan doonayn sida ugu fiican naftaada iyo qoyskaaga.

“Waxaan u qaatay in aan jeclaan doono ilmahayga isla markiiba, laakiin waa igu adag tahay in aan qaado masuuliyada daryeelkeeda.”

Calaamadaha walaaca dhalida ka hor iyo niyad xumada.

CALAAMADAHA WAXAA KA MID NOQON KARA:

  • Dareenka xun, kaa jajaban tahay, ama oohinta aadan sababteeda aqoon
  • Ku adkaysiga, welwelka guud, badanaa cabsi diirad saarida cabsi caafimaad ama samaqabka ilmahaaga
  • Xanaaqsanaan, qaracan, ama argagax
  • Sahal u carooda ama xanaaqa
  • Ka go’naanta saaxiibada iyo qoyska
  • Hurda la’aanta, xataa marka ilmahaagu jiifo
  • Xasilooni la’aan
  • Joogta u dareemida daal iyo tabar daro
  • Astaama jireed sida lalabo, hunqaaco, qabow, rabitaan la’aanta cuntada
  • Rabitaan ama xiisa la’aan waxyaallaha mararka qaarkood kaa farxin jiray
  • Cabsida kelinimada ama la joogida kuwa kale
  • Dhibaatada diirad saarida, xasuusta ama xoogsaarida
  • Siyaadinta khamra cabida ama isticmaalka daroogada
  • Qabashada argagaxa leh (sida wadna xanuunka, garaaca wadnaha, neefsiga oo ku yar, gariir ama dareemida inaad ka go’an tahay agagarkaaga)
  • Yeelashada dabeecada ku dheganaansho ah ama dabeecad qasab ah
  • Ka fekerida dhimashada, isdilka ama waxyeellida ilmahaaga.

Waxaa kaloo jira astaama kale oo aan halkan lagu tixi karin. Haddii adiga ama qof kuu dhow ay haysato astaama ama dareeno ka welweliya laba asbuuc ama ka badan, fadlan raadi kaalmo.

“Dhamaan waalidiintawaalidka cusubi ma dareemaan dhibtaan?”

Wac khadkayaga Caafimaadka Dhimirka Dhalida Ka-hor ee Qaranka

Wac 1300 726 306

Isniin – Ilaa Jimcaha 9ka subaxii – 7.30 fiidkii AEST/AEDT

Khadka Caawinta Qaranka ee PANDA ayaa lagu heli karaa luuqado badan, oo uu ku jiro kaaga.

Markaad wacdo khadka caawinta PANDA, taabo xulashada "1" kaas oo noo ogolaanaya inaad u baahan tahay turjubaan.

Maxaa dhacaya marka taleefanka lagaa qabto:

Taleefankaaga waxaa ka jawaabi doona qof ku hadla Ingiriis. Waxaan u baahan doonaa inaan ogaano luqadda aad doorbidayso - uma baahnid inaad ku hadasho Ingiriis marka laga reebo inaad u sheegtid lataliyaha luqadda aad doorbidayso.

PANDA waxay kuu diyaarin doontaa turjubaan markii mid la heli karo, waxaan bilaabi doonaa habka aan kuu caawin lahayn.

Haddii turjubaan la waayo, dib ayaan kuu soo wici doonnaa.

Haddii aad u baahan tahay gargaar degdeg ah wac saddaxda ebar (000) ama qaybta gurmadka degdega ah ee isbitaalka deegaanka.

 Haddii aad u baahan tahay taageero waqtiyada ka baxsan saacadaha khadka caawinta ee PANDA, wac Lifeline 13 11 14.

Jimicsiga dhulka

Jimicsigan dhul dhigista ah waxaa loogu talagalay inuu kaa caawiyo inaad diirada saarto neefsashadaada.

PANDA ayaa ku caawin karta.
Download
Factsheet - Somali
Download

PANDA acknowledges the Traditional Owners of the land where we work and live. We pay our respects to Elders past, present and emerging. We celebrate the stories, culture and traditions of Aboriginal and Torres Strait Islander Elders of all communities who also work and live on this land.

At PANDA, we embrace the power of diversity through inclusion. We strive to foster belonging and empowerment at work. We create relevant messaging and marketing for our diverse consumers. We listen and engage with our diverse communities. And we value collaboration with our diverse suppliers.

Reconciliation Action Plan

Stay in the loop

Stay up to date by subscribing to PANDA's e-newsletter. Containing personal stories, research, inspiration and more.

Sign up
Get support
Expecting a babyNew ParentsGrowing FamiliesDadsLanguages other than English
Registered-charity-logoNSMHS-logo

While PANDA has exercised due care in ensuring the accuracy of the material contained on this website, the information is made available on the basis that PANDA is not providing professional advice on a particular matter. This website is not a substitute for independent professional advice. Nothing contained in this website is intended to be used as medical advice, nor should it be used as a substitute for your own health professional's advice.

1300 number calls from a landline are charged as a standard local call. Calls made to a 1300 number from a mobile is charged accordingly at the mobile carrier rates.

Privacy policyPolicies
Structured Content powered by Sanity.io
© PANDA 2025
Structured Content powered by Sanity.io
Quick Exit Site

How are you going?

Everyone’s experience of pregnancy, birth and parenting is unique and brings different rewards and challenges. Our mental health checklist can help you to see if what you’re experiencing or observing in a loved one could be a reason to seek help.