Somali | Soomaali: Jimicsiga dhulka - iskaanka jirka iyo nasashada si jirku uu usii daayo culayska

Jimicsigan dhul dhigista ah waxaa loogu talagalay inuu kaa caawiyo inaad diirada saarto neefsashadaada.
Markaad neefsashada yareyso, waxaad hoos u dhigi kartaa tartanka maskaxdaada. Waxay kaa caawin kartaa dhimista walaaca.
Ku soo noqo jimicsigaan mar kasta oo aad u baahato.
Haddii aad doorbidayso inaad akhriso jimicsigaan intii aad dhegaysan lahayd, waxaad ka heli doontaa qoraalka hoos.
Jump to
Jimicsiga dhulka
Waxaan kuu soo bandhigi doonaa jimicsi yar oo jidhka ku salaysan si loo yareeyo walbahaarka, taas oo laga soo qaatay iskaanka jidhka ee fudud iyo nasashada ee Paul Gilbert. Waa dhawr ilbiriqsi oo aad naftaada uun iska hubinayso. Wax kasta oo sabab u ah imaanshahaaga halkan, haddii ay jiraan wax maskaxdaada dhibaya, dhinac iska dhig. Wax yar uun. Waxaa laguu ogol yahay inaad wakhtigan ku qaadato inaad is dejiso oo aad ku nasiso jirkaaga. Waxaad samayn kartaa jimicsigaan adigoo fadhiya ama jiifa.
Aan bilowno. Bilaw inaad dareento neeftaada markaad sanka ka qaadaneyso neefta oo ay afkaagana ka soo baxayso. Si tartiib ah diirada u saar hab-socodka nasinta ee dabiiciga ah ee neefsashadaada.
Hadda diirada saar lugahaaga. Sidee ayay dareemayaan? Bal qiyaas dhammaan xiisadda lugahaaga oo si tartiib ah uga soo baxaysa jidhkaaga kuna dhacaysa dhulka kabacdina kaasii tageysa. Markaad neefta qaadaneyso, isku day inaad lugtaada wax yar adkeysid. Aynu neefsano, oo markaad neefsato, nasi murqaha lugahaaga oo sii daa. Markaad neefta qaadaneyso, u fiirso xiisadda. Markaad neefta soo tufeyso, sii daa oo dareen lugahaaga oo nasanaya.
Aan kor u qaadno jidhka, ilaa garbahaaga. Ma ku xoqanaysaa? Isku day inaad garbahaaga xajiso, kor u soo qaad markaad neefta qaadaneyso. Markaad neefta soo tufeyso, dareen murqaha garabkaaga oo raaxaysanaya marka diiqadu ka baxdo jidhkaag markastood neefsato. Markaad neefta soo tufto, sii wada daa.
Hadda ilaa caarada farahaaga. U fiirso xiisadda meeshaas ku kaydsan oo ha ka sabbayso jidhkaaga ayadoo soo marayso gacmahaaga. Curcuradaada, gacmahaaga, xusullada, ilaa garbahaaga. Ugu dambayntiina ilaa jidhkaaga oo dhan ilaa dhulka. Neefso oo sii daa dhammaanteed.
Hadda u dhaqaaji diiraddaada xiisad kasta oo ka jirta madaxaaga, qoortaada iyo wejigaaga. Ha ku nastaan neef kasta. Bal qiyaas xiisadda ka soo dhacaysa laabtaada, calooshaada, dhabarkaaga, ilaa inta ay hoos marayso lugahaaga iyo dhulkaaga.
Ugu dambeyntii, diiradda saar jirkaaga oo dhan. Mar kasta oo aad neefta qaadatid, ka fikir ereyga 'nasso'. Ama haddii taasi aysan kugu habboonayn, isku day ereyga 'degenaan' ama 'nasiino'. Dareen jidhkaaga oo sii deynaya neef kasta oo aad qaadato. Aynu diiradda saarno jirkaaga oo dhan iyo eraygaaga deganaan si aad u neefsato.
Wareegii u dambeeyay. Aynu ku soo afmeerno jimicsigan dhawr neefsasho oo weyn, oo aad caloosha si qotodheer uga qaadaneyso iyo is kala bixin. Faraha Lugaha rux. Si tartiib ah u kala bixi farahaaga, cududahaaga, gacmahaaga, iyo garbahaaga. U fiirso sida uu jidhkaagu hadda dareemayo, marka loo barbar dhigo biloowgii. U oggolow naftaada inaad ugu mahadnaqdo jidhkaaga, sida jidhkaagu u dareemayo mahadnaqa dareenka, naxariista iyo daryeelka aad hadda siisay. Markaad dareentid inaad diyaar u tahay inaad istaagto oo aad dhaqaaqdo, waxaa laga yaabaa inaad jeclaan laheed inaad cabto biyo ama cunto cunno fudud. Xasuusnoow, waxaad ku soo laaban kartaa neeftaada oo aadna iskaan gareen kartaa jirkaaga mar kasta oo maalinta oo dhan ah, ama dib u ciyaar jimicsigan mar kale. Samee inta jeer ee aad u baahan tahay. Haddii aad rabto in aad wax badan ka barato jimicsiga dhulka iyo nasashada waxaad ku samayn kartaa guriga, waxaad wici kartaa khadka caawinta Panda 1300 726 306 si aad ugala hadashid fursadaha is-daryeelka fudud ee waxtarka leh.
Khadka Caawinta
Wac Khadkayaga Caafimaadka Dhimirka Dhalida ka-hor ee Qaranka
Wac 1300 726 306
Maalinta Isniinta – Jimcaha 9ka subaxdii – 7:30 fiidkii AEST/AEDT
Khadka Caawinta Qaranka ee PANDA ayaa lagu heli karaa luuqado badan, oo uu ku jiro kaaga.
Markaad wacdo khadka caawinta PANDA, taabo xulashada "1" kaas oo noo ogolaanaya inaad u baahan tahay turjubaan.
Xoogaa ayaad sugi doontaa ilaa mid ka mid ah La-taliyayaashayada uu diyaar ka noqonayo AMA waxaad maqli kartaa fariin la duubay oo ku weydiinaysa inaad fariin dhaaftid.
Maxaa dhacaya marka taleefanka lagaa qabto:
Taleefankaaga waxaa ka jawaabi doona qof ku hadla Ingiriis. Waxaan u baahan doonaa inaan ogaano luqadda aad doorbidayso - uma baahnid inaad ku hadasho Ingiriis marka laga reebo inaad u sheegtid lataliyaha luqadda aad doorbidayso.
PANDA waxay kuu diyaarin doontaa turjubaan markii mid la heli karo, waxaan bilaabi doonaa habka aan kuu caawin lahayn.
Haddii turjubaan la waayo, dib ayaan kuu soo wici doonnaa.
Sida fariin loo dhaafo:
Fariin u dhaaf maadaama ay taasi kuusii celin doonto booskaaga safka. Uma baahnid inaad dib u soo wacdo, mid ka mid ah lataliyayaashayada ayaa ku soo wici doona.
Fadlan magacaaga reeb, lambarka taleefanka, gobolka iyo luuqadaada. Dib ayaan kuusoo wici doonnaa anagoo wadana turjubaan.
Haddii aad u baahan tahay gargaar degdeg ah
Wac saddaxda ebar (000) ama qaybta gurmadka degdega ah ee isbitaalka deegaanka.
Haddii aad u baahan tahay taageero waqtiyada ka baxsan saacadaha khadka caawinta ee PANDA, wac Lifeline 13 11 14.
